VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wacad - Lyrics

In kastoo gu,yaal hote Gacmo gaar lahaynoo Cishqigaagu gaasiray Siduu inoo helay Markii aad i gadoontee Kii kale u dhooftee 2× Faraskaagii gaabshee I garabee weydaan Ana gooyay wacadkii De garab igu joogoo Aan go,aan ku siiyee Iskala nooloow 2× Geedo saati ka dhiga tahee Gaabso sheekadaadee Adigiyo garaadkaa 2× Gabanyohoow aduunyadu Gadaadani igu moodyoo Siro gocaati maahee Aan go,aan ku siiyee Adoo guri barwaaqo ah Adoo guri barwaaqo ah Guduboo intuu miray 2× Gal xareeda iyo wabi Iyo galac kaleeyeen Googta kaalay igu yabaal Geedo laga hayaamoo Laga goostay saacii Miyaa laga guura oo 2× Geedo saati ka dhiga tahee Gaabso sheekadaadee Adigiyo garaadkaa 2×
Queue is empty
-- / --