VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ummadyahoow ogsoonoow - Lyrics

Arligaan madaxdiisu Daacad u ahaanin Daacad u ahaanin X2 Ujeedada wanaagsan Wuu kam badaayoo Wuu kam badaayoo X2 Aduunyada magaadhee Umad yahay ogsoonow X2 Arli aan askartiisu heegan U ahaanin heegan u ahaanin X2 Axdigii lamariyiyo dhaartii Ilowdaa dhaartii ilowdaa X2 Cadow kama irdhoobee Umad yahay ogsoonow X2 Arli aan shaqaaluhu Beero u abuurin Beero u abuurin X2 Gaajiyo abaar iyo Howl kama baxaayo Howl kama baxaayee X2 Baryo kama adkeestee Umad yahay ogsoonow X2 Arli aan ardaydiisu Aqoon fiican kororsan Aqoon fiican kororsan X2 Akhriskiyo qoraalkiyo Aayad diin ka baranin Aayad diin ka baranin X2 Kitaab barani maayee Umad yahay ogsoonow X2
Queue is empty
-- / --