VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daacadnimo - Lyrics

anoo daranyada jacayl dartaa ugu soo samraayay waliba daacadnimo dhankayga daryel ugu hagar baxaayay markuu xubigeenu dagay rugtii aan ku doogsan lay haduu damac kugu hogaanshay mid kale doon doonisteeda adaa diiday wada jirkeenii dulqaad inaan kugula xaalo dadnimo xumadaad samaysay damiirka og baan i yeelayn anoo diif iyo kalgacal awgaa dibin daabyo qaba maxaan duunkiyo qalbiga rajada uga dhigay dabib halkaa daalaa dhicii naftani ka dawyn lahayd hadaad dayacdoo mar kale dayrada ku maal is tidhi adaa diiday wada jirkeenii dulqaad inaan kugula xaalo dadnimo xumadaad samaysay damiirka og baan i yeelayn
Queue is empty
-- / --