VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naftan - Lyrics

Naftan gabiga dheer iyo garbada ka lulatee sidii oon gayaan kale gayigeena lagu arag goobaysa kaligaa goortay ku waydana dhirta goolal iyo jiic midho iiga goo lihii caashaqu u gaar yahay galabtay ku aragtana gal xareeda iyo wabi looga gogol dhigaayee guranaysa hoobaan oomane gal kacal iyo jacayl gaaxsanaa abid hadii aad gudoon tidhi galad weeye eebee guri rays leh iyo doog waynu gaadhi doonaa Naftan gawre dhaxanliyo gabadano u hoyatee oomane kalgacaliyo jacayl gaaxsanaa abid hadii aad gudoon tidhi galad weeye eebee guri rays leh iyo doog waynu gaadhi doonaa gabo gabo colaadeed guluf uu u dheeryahay gabalkii u dhacaya ee gogol la seexdiyo gasiinkii la cuni jiray labadaa midnaba garan gaar ugu danbaysiyo goondhabo walaal iyo guhaad waalid haystaa
Queue is empty
-- / --