Quick links

Fikradaada ka dhiibo heestan

Sida meel tigadlo lyrics

Sida meel tigad loo
tusku uu ku hooroo

Lyrics by Masuul.com

Duunyaduu ku tarantoo
Todabaad xareediyo
togoganu hoganayaa
kuu soo tusmeeyee

Tii kali ahaydee
Togashadaa indhaha
Nuurka u taraysee
Qalbigaa ku tabayee

Tumahii awaariyo
Laba dhibic toos caheeriyo
Tartarada bulaalo
todobo toos u soo baxay
Ubax kaaga taagee

Quurux loogu tabayiyee
Ana waxaan ku taamaa
Talo inaan wadaagnaa
Ila tiiri caashaqa

Yaynaan noqon tabtoodii
Kuwii tuuray jacaylkee
tarkiisii gooyee shan shan ka tuuree

Kani waa mid toosoo
Tashi kaa maqlaayoo kaltrii ahayne

Taaganoo dhaqaaqinoo
Inaga tagayninee
Tiir ma uqataminaa

Talo ma u samynaa
Ubax ma utalaalnaa
Taariikh ma u xariiqnaa

Tiintaa ma ushalanaa
Timiir maugu maydhnaa

Waxba yaanan ku tumanoo
Heesta ila taraarixinee
Inaan tasayn baan ku soo tabiyay heeskee