VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wadanigu ma seexdo - Lyrics

Wadanigu ma seexdoo Weedaha af miishaar Ma walaacin karayoo Waxan kuma abuuree 2× Wehelkii ciidaa weeyee Wakiilkii calanka weeyee Wuxuun u diida weeyee Waa wadada kan qaada 2× Waa laba wajiilaha Midka waasha wareegee Waa waa laba wajiilaha Midka waasha wareegee Nin wacadku furaayoo Waantoobi waayana Walaalnimo ka dooninee 2× Hawlahan la wada jiro Wakhti kama habsaamaha Wahsihigiyi hurdada neceb Weeyaan wadanigu Ha waaree weeyaan 2× Wadanigu ma seexdoo Runta kama waabtoo Waaka cadawga wiiqoo Waaxyihiisa gooyee 2× Wadkii gumaystaha weeye Walwalka beeshe weeye Wada jir doona weeyee Waa wadnaha dalkiisee 2× Waa walaahi beelaha War xuumaata sheelkaa Waa walaahi beelaha War xuumaata sheelkaa Wacdi iyo tusaaliyo Wax u sheega weeyee Kala weeca diidee 2× Hawlahan la wada jiro Wakhti kama habsaamaha Wahsihigiyi hurdada neceb Weeyaan wadanigu Ha waaree weeyaan 2×
Queue is empty
-- / --