VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wadani dhalinyaro - Lyrics

dhalinyahay kacoo toosa dhidibkiyo xadhka goosta dhiidhiyay sidii goosha sidii galawga dhiilooda dhacadiidku waa daale dhawrtada ka waynaada muruqiina dheefaysta dhididkiina maaraysta dhanbaalkaygu waa baaqe dheeftiisu waa guule nabad dhalatay weeyaane idinkoon dhabiibyaysan dhumuc iyo laxaad sheegtay kumayaal sare u dhaafay kale foorniya dhayton mini sowta so dhaafa dhankastaba ka soo duula ingiriiska sii dhaafa dhadada iyo ceer yaanta daruuraha ku soo dhuunta dhoolkiyo hilaaciisa maqashiiyoo aqoontiina badka soo dhigoo keena hoy dhalinyaroo toosa si waliba sii dhaanteeye ilayn waad u dhalateene dhaxalkiiniiba yaale dhulka hooyo soo aada dhaleecada ka jira beesha dalal kala dhex joogooda dhuumaqa saliidooda dhag xaran ka weedhooda dhiiranida gacantooda misna kala dhinaantooda ha u xilan dhalaal beena dhalanteed run ha u qaadan marka marka qabid abted gadho marka talo dhanaanaato marka dhaanku iman waayo sahankeenu dheeraado dharaar iyo ka badan qaato dhaarkii la filanaayay dhagaxdii bislayn waydo marka dhidarku caal waayo dhulku uu huwado ciiro dhirta sare tukuhu fuulo adna dhuumo talo maaha dhagahaaga xiro maaha dhufayskaaga aad maaha dhibaatooyin kuu muuqda sheedahaa ka dhawr maaha TVga dhugo maaha.
Queue is empty
-- / --