VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xujo - Lyrics

Adoo ixumaynayaa Anigu kuu laab xalnahayee Xariirkayna iyo jacaylka Adoon xaaleenbaa Xagayga ilaaliyaaa Naftayda adoo xaqiraan Intaan xurmo xalgoobo Adiga aan kugu xeranahay Adoon marnaba igu xisaaabtamin Haddana xiiso kuu haayaa Caashaqan igu xooganee Xiskayga iyo maanka dagay Xujada aad igu wadidiyo Intaas xaaladood Inaan xamiloo ibadayee Adoon xaqna ii turin Ayaan kuu ahay Xabiib Xiinkayga adoo aroosan Anoo kula sii xifaaltamin Xariir kugu daahayaa Adoon xurguf iyo ilaal Xajiin ii quurayaa Aniga kuu hayaa xaqdhowr Adoon nacab iga xigsadaa Anaa samo kula xaal ah Caashaqan igu xooganee Xiskayga iyo maanka dagay Xujada aad igu wadidiyo Intaas xaaladood Inaan xamiloo ibadayee
Queue is empty
-- / --