VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hambalyo - Lyrics

laba meher xalaaliyo ku midoobay dookhuu mataaneeyay calafku maaxdii jacaylkiyo midhihii kalsoonida laba wada macaansaday waa maxamed sharaf iyo marwadiisa nimco qurux inta guur muhatee aroos loo mashxarado iyagaa u mudanoo xaashee u magac dheer anaguna mabsuudnoo mabruukbaanu leenahay awlaad muciin loo muslinimo ku dhaqantana mawle ha idan siiyee u mitida jacaylkiyo xibiga dhexdeena laba wada maushaaxo miyiriyo ismaqaliyo maamuus ku dhaqanto meeqamka noloshana meel wacan ka gaadhoo farxad wada magawsaday waa maxamed sharaf iyo marwadiisa nimco qurux ma huraanka caashaqa muraadkiisa maaloo muunad wacan hargaysiyo togdheer looga mahadshow
Queue is empty
-- / --