VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garasho - Lyrics

Garashiyo xaqdhawrbaa Guri lagu dhisaayoo Reer lagu gardaadshaa Adiguna gayaaniyo Garabkii ma noqotide Ila guuri mayside Galad kaama sugayoo Kuu garaabi maaye Gar qaado gar qaado inanyahaw gar qaado Intaan geeri kugu iman Ama gabalka kugu dhicin Xilo kula garaadoo Gacal kula wadaagoo Oo kula gucleeya bal Ka goobo qayrkaa Intaan gaari wacanoo Gabar qiimo waynloo Waa loo go'aayee Kuma gooni yeeline Galadaa aduunbaa Isu gabagabeeyee Guubaabo beeniyo Hadba gaaf wareega Garqaado gar qaado Inanyahaw gar qaado Intaan geeri kugu iman Ama gabalka kugu dhicin Xilo kula garaadoo Gacal kula wadaagoo Oo kula gucleeya bal Ka goobo qayrkaa
Queue is empty
-- / --