VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soociyaar - Lyrics

Cir habeen da'oo Curtoo hooraybaa Soo celceliyay dhibicii Calcalyo xareed Iyo cimiladyahan Cag la saarin wali Caynadoodiibaad Cabdow u eegtahoo Cindi nuuriyow Waan ku caashaqee Soo ciyaar soo ciyaar Soo ciyaar cabdaw kulmiyow Cagta caalin kaama galee Soo ciyaar cabdow ila soo ciyaar Soo ciyaar dhaantada ila soo ciyaar Naf ku calmatoo Caashaq kuu qabtoo Kuu cadilan adiga Cisi iyo wanaag Iyo calool samaan Caabanbaan ahee Cudur daar la'aan Cabdaw soo ciyaar Cindi nuuriyoow Waan ku caashaqee Soo ciyaar soo ciyaar Soo ciyaar cabdaw kulmiyow Cagta caalin kaama galee Soo ciyaar cabdow ila soo ciyaar Soo ciyaar dhaantada ila soo ciyaar
Queue is empty
-- / --