VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dumar waa doorka nabada - Lyrics

dumar waa doorka noloshoo dumar waa doorka nabadoo dambi maanan galin dalka maanan giubin dadna maanan dilin wayska duubanahoo dalka waa u halganaa dulmi baa nalaka galay dumar waa doorka nolosho dumar waa doorka nabadoo dayac maanan dhigin reerna maanan dumin ruuxna maanan durin madaafiic kaliyaata iyo dab holcaa nalaku shiday dulmibaa nalaka galay dumar waa doorka noloshoo dumar waa doorka nabadoo dakhli maanan xadin ceebna maanan dumin ragnana maanan didin dunidii faaya iyo daahir baa nahayoo dulmi baa nalaka galay dumar waa doorka noloshoo dumar waa doorka nabadoo dalka maanan dagin dawlad maanan ridin colna maaanan dirin rageena na dayacay diiftaa ina baday dulmibaa nalakka galay dumar waa doorka noloshoo dumar waa doorka nabadoo
Queue is empty
-- / --