VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lulug - Lyrics

markuu lasku wadhan yahoo lulumaha biyaha ladnaan ugu dabaashaan markuu laasto oo gudho saw lulugo ulama tago lamaanaha is doortana laydh caafimaadiyo waxay libin haleelaan markay laab ka tahay laqwi hadalka uga dhicin ana laacdankii iyo loolankii shalay liibaantan filaayee adigaa iga laaloo inaan lumo ka taliyee laqanyadaa kalgacaladu marka ay ku lagadee ana laaca tiigsado adigoon laxaad hayn oo luun ku qawracay armaad hadhaw lug iyo faras labadaba igu raadisaa ileen layli lama raro luquntiiisa lam xidho isagoon xadhiga laasimin haamuhuu lulaayoo loolkiyo magaadu ka cararaa ruuxii lagu kalsoonyahay la isku aaminaayoo wacad lala saxiixdaa ileen liida doqoneey leebka mudaa ma garate ana laacdankii iyo loolanki shalay liibaan filaayee adigaa iga laalo inaan lumo ka taliyay laqanyadaa kalgacaladu marka ay ku lagadee ana laaca tiigsado adigoon laxaad hayn oo luun ku qawracay armaad hadhaw lug iyo faras labadaba igu raadisaa
Queue is empty
-- / --