VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aan dhameyno xaajada - Lyrics

dhool da'ay la moodyee waan kugu dhadhabayaaye dharaartaynu kulanaa dhulku ila wareegee dhimasho iyo nololbaan wali kala dhex joogaa dhankii aad i marisaba kuu dhiibay taladee adna ha igu dheeraynoo dhibaatadan i haysoo ha ii soo dhawaynee aan dhamayno xaajada dhal wadaad la moodyeey indhaha ku dhaygagay dhabanada hilaaciyo dhoola ka qosolkaagii dhaqaaq joogsigaygaa dhalaanku ila yaabaan yuu ku dhaafin hadalkuye ii dhago nuglow
Queue is empty
-- / --