VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ergo hooyo - Lyrics

Aasaaskii dunidaiyo Anigu dumar baan ahaa Warshadii aadmiyo Ugubkii noloshaan ahaa Hayeeshee ina raggoo Ergo iyo waxaan ahay dacwo Eed baan kaa tabanayaa Uurka ugu qaaday iyo Waxaan fool arami kulal Dhibaatada kugu umuley Horaada ibo macaan Anqaris waxaan kaaga dhigey Asluubta wanaagsan iyo Anshaxa dhaqankiyo hidaha Aqlaaqda waxaan ku baray Aad baan unasiib darnee Madfaca aqalkeyga gubey Kan igu ridey ma adiga? Abaalkii hooyonimo Ma layska ilowsan yahay? Ax iyo way ma anigaa? Allahlehe ina raggoow Ergo iyo waxaan ahay dacwo Eed baan kaa tabanayaa
Queue is empty
-- / --