VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kurbo caashaq kululaa - Lyrics

Kas xumaa naftani, Kibir waalnaa, Kurkursatee, isna kufi ogaa. ma kacoo degbaa, Kobol reer miya, Adigoon kaban, Kadankood cidla, Karriin tiro miyaa?!. Jacaylkaan ka didayoo, Karkaarrada u jaraybaa, Kaar iyo xanuun badan, Igu kiciyee anigee. Ku gubtayee ALLAHAYOW, Kurbo caashaq kulula, Faraskii kadlahaa Xawaaraha ku tagay, Diin kadaba korbaan, Kol Go'aansadaa, Kuma kaafisee, Kahar baan iraah, Misna Koorta-yucub, Kalowdeedii-baa, laygu sii kordhaa, Jacaylkaan ka didayoo, Karkaarrada u jaraybaa, Kaar iyo xanuun badan, Igu kiciyee anigee, Ku gubtayee ALLAHAYOW, Korba caashaq kulula,
Queue is empty
-- / --