VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rucubta Naasaha - Lyrics

In kastoon ribbadayoo Ruux is-barashadeennii Waran laba-riddaala U soo ramiyay caashaqa Rugo-gelinta sheekada Run iyo been midkay tahaan Kala raadinaayee Anba guurka waan rabay Ha yeeshee ragragashiyo Waxa raagaa rag ku ma sama Sida ramag gu' roob badan Nirgaha geedo rays liyo Ruun caleen le loo dhigay Miyaan kugu rantaayoo Hadba kugu dul reemaa Mise rucubta naasahaan Hadba soo ruxaayoo Qosol kugu rakaadaa? Jiilaal rindiidsaday Rogmashada abaaraha Ishkin riiray mooyee Labo-raafle joogsaday In kastoo nin reer-cadihi Loxos-rogasho badan yahay Waxaa ruqadda weydda a Rugta looga dhaanshaa Marka Rahanku cirir-da' Rimmayda kuu tiirinnine Sida ramag gu' roob badan Nirgaha geedo rays liyo Ruun caleen le loo dhigay Miyaan kugu rantaayoo Hadba kugu dul reemaa Mise rucubta naasahaan Hadba soo ruxaayoo Qosol kugu rakaadaa?
Queue is empty
-- / --