VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rooda - Lyrics

Sidii dhabi qurubaxoo Qariyo buur dheer ku yaal Hablihii waad qarisayoo Koobkii quruxdaad sidaa 2× Roodaay qiimaha haween Adaa qeyb libaax heloo Qadarin baad mudan tahoo Qof aan kuu dhigo la waa 2× Qeyrkaabaan kaa xushoo Naftaa kugu qanacdayoo Jidhkayga hadii la qalo Wadnaha adigaa ku qoran Indhuhu ruuxay qabtaan Midhaadan ugu jecloo Qalbigu wu kugu nastaa Calooshaad qaboojisaa Halbowlaha qaybiyee Dhiigaba qaadaad wadaa 2× Sidii qorax soo baxdoo Falaadhaha kafiifa iyo Shoocaa qalin male dirtoo Xareed quuraansataa 2× Quuleey lagu moodayoo Qaniguu siduu kuu khalqee Xabiibi laguu qorqoray Indhuhu dhanbaa fajacay 2× Habkuu aleh kuu dhashiyo Siduu qaadir sara jaray Habluhu waxay ka khajilaan Inay qormo kula maraan Indhuhu ruuxay qabtaan Midhaadan ugu jecloo Qalbigu wu kugu nastaa Calooshaad qaboojisaa Halbowlaha qaybiyee Dhiigaba qaadaad wadaa 2× Calooshaad qaboojisaa Halbowlaha qaybiyee Dhiigaba qaadaad wadaa 2×
Queue is empty
-- / --