VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Boosaso - Lyrics

Baxnaanadii jacaylkaay Kaama bogan karaaye Adiga bogaygiyo Qalbigiyo beerka Jacaylbaa xad weeye Ma wadnaha ku beermo Taniyo barashdeeni Barta aad ku nooshiyo Magaalada boosasiyo Barta aad ku dhalatiyo Magaalada boosaso Agagaarka baaladay Naftu booha ledee Bureeqadii haweenka Bidhaan qurux wanaagey Cadceed soo baxaysiyo Biyo dahab la moodye Bog weeye caashaqu Baxsan aragtidaaduna Waa bishaaradeene Barta aad ku nooshiyo Magaalada boosasiyo Barta aad ku dhalatiyo Magaalada boosaso Agagaarka baaladay Naftu booha ledee
Queue is empty
-- / --