VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhulka hooyo - Lyrics

dhulka hooyaday waan jeclahay dhaqashadiisiiye dhuuxiyo naftaydiyo qalbiga wuu ku dheeryahaye sidii ubad aan dhalay oo kalaan dhab u jeclaystaaye barwaaqada dhex taaliyo nimcada waan ku dholalaaye dhamaan dunida lagu nool yuhuu qiima dheeryahay dhaxan barafa iyo laguma oga dhamac kulaylleede rabibaa isugu dheeli tiray ciida dheeftee dhaayihii jaleecaa marqudha kama dhergaayaane dhuuniga cuntada laga helaa shayna loo dhigine dhalxan subaga dhay iyo karuur dhayladiyo jiidhka dhirta xabagta laga suu guriyo midhaha dhuumaanta nin dhadhamiyay kuma doorsan karo dhawrta dibadeede dhexdiisaan kuu noolaanayaa iilkoo lay dhiga e dhalinta waxaan barayaa dhaqamadoodiiye sharafteena wixii dhuminayaan dhaafa leeyahay dhisa qaranka dheeliga ka jira dhidibada u taaga dhaqankiyo hidaha waan jeclahay uu abkay dhigaye waxa laga dhex xulay diintayada maaha dhalanteede dhaxalkayga iyo waan sidan iga dhamaanayne
Queue is empty
-- / --