VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sahra - Lyrics

Sahraay Somali oo dhan Adigaa ugu sareeya Haweenkan Zamankaan joogana Adaa qurax ugu sitoo Midaan kula simo lawaayay Sahraay Laabta iyo qalbiga Sadriga adigaa dagoo Xishood aan salguuriniyo Asluubaan lagu saday Samaan kugu barbaarayoo Jacaylkana saxar ka dhowr Hablaha Suuriya ku nool Sacuudiga iyo Lubnaan Saldhiga Aasiya iyo yurub Sahraay Australia Ameerika kuwa ku sugan Siddeed Malyan oo hindiya Hada miyaan kugu siin lahaa Sahraay garashiyo dadnimo Ilaahay baa ku siiyay Gayaankan Zamankaan joogo Adaa ugu sitooo Saluug kuma dhihid dhanna Sahraay marwo qaaliyaay Gabdhaha sayigoodiyee Sareedo barwaaqiyo Aduunyada sada kuwaar Samiga calafkaagiyo Nasiibkaaguna samaan Hablaha Suuriya ku nool Sacuudiga iyo Lubnaan Saldhiga Aasiya iyo yurub Sahraay Australia Ameerika kuwa ku sugan Siddeed Malyan oo hindiya Hada miyaan kugu siin lahaa
Queue is empty
-- / --