VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaacasho - Lyrics

Dhaadma dareenkaad Ku dhex beerantahayoo Indhuhu dhugashadaaday Dhibta kaga nastaano Dhawaaqaaga eraygay Dheguhu weheshadaanoo Dhab ahaan hankaygaa Rasmi kuugu dhaatoo Carabkaygan kugu dhagay Magacaaga dhigi waa Dharaar qudha la,aanta Dhacadiidsan waayee Dheelalaaba toosee Abid hayga dheeraan Qalbi kaa dhursugayoo Dheeftuu ku noolyiyo Dhuunigiisa tahaybaa Kaa dhawrtaa dunidoo Dhamideed naftaydaad Dhaymadeeda tahayoo Dhaacashada kalgacalada Dhaan nageeya bariyoo Sida dhool nugaaleed Ayaan kuugu dhololaa Dharaar qudha la,aanta Dhacadiidsan waayoo Dheelalaaba toosee Abid hayga dheeraan
Queue is empty
-- / --