VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidii subaga iyo biyaha - Lyrics

Hablihii siinada wacnaa Dhaqankoguna suubanaa Hidaha aan ka suuli jirine Samaha lagu guursan jiray 2x Haday saakaba xalaal Saaxiibka ka door bideen Raguna hilbo solan Heleen 2x Saqaaf loo wada boxoo Wanaaga la seegayoo Jacaylku sumaysanyahay 2x Runtiyo been ba isa sudhan Sidii subagiyo biyaha Intay kala soocmayaan Naftaydaay samir ogoow Sahwiyo walbahaarka daayoo Talada saaro eebeheen Markay sahan dheer galaan Ragaan sahay qaadan jirin Dhib iyo gaajoba sarayn Sir iyo qawl adag lahaa 2x Haday sabanadan guracan Sharaftii ka sal guuriyeen Saluug laga qabo badhkood 2x Salkii dhaqankuna lumoo Aqoontu saboolantahay Jacayl na sumaysanyahay 2x Runtiyo been ba isa sudhan Sidii subagiyo biyaha Intay kala soocmayaan Naftaydaay samir ogoow Sahwiyo Walbahaarka daayoo Talada saaro eebeheen 2x Sahwiyo walbahaarka daayoo Talada saaro eebeheen 3x
Queue is empty
-- / --