VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaari - Lyrics

galin hore cadceedoo gal furan galalac waagii ah goolkii xalaal lagu unkee gaadmo ku imaanin adigaa garnaylyahaw dhashoo guusha ku saxeexay guubaabi fiicnina markaan guriga ku yagleelnay eed garab isiisee kalgacal guudka igu qaaday goobo gali naftaadiina qalbigu gaarna u ilaashay gobaa tahay gayaankana ka tihid geesi magac roone allahayoow adaan kugu gam,ee ha ina kala gaynin waanan kugu guntanahee alloow hayna kala goynin gabadhnimo garays ii tigtigan gaarinimo dhiibsan kolkaad geeel a dhiibtee duqay geedka ugu baantay adigaa gayaanimo ku helay guurna ku xalaashaday duco guurtibaa inoo kacdoo gacalna ku ahaanay markaad gacan isiisee dhashana ila gardaadsiisay intuu gaagax diiday qalbigu sii godladay caashaq gobaa tahay gayaankana ka tihid geesi magac roone allahayoow adaan kugu gam,ee ha ina kala gaynin waanan kugu guntanahee alloow hayna kala goynin
Queue is empty
-- / --