VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Koraad - Lyrics

Hadii Koolkoolin dumar Suugaanta la kaashadoo Kas iyo maan loo amaano Erayga madhan looga dhigo 2x Samiireey waan karaa Inaan ku idhaa xigtooy Kuwaan dhidib kula lahayn 2x Kalsoonaan kugu qabaayoo Naftaydaad kali ku tahay Kalsoonaan kugu qabaayoo Naftaydaad kali ku tahay Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar 2x Haday kobciyaan jacayloo Lamaane is kaashadaan Nolosha wada kaafiyaanoo Maantuun isla kawsadaan 2x Kaabaay waan kuu kasee Inaan kor ka xaadsadoo Kolnaba ha u malayn kaftanee 2x Kalsoonida nolosha iyo Kartaa lagu meel maraayee Kalsoonida nolosha iyo Kartaa lagu meel maraayee Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar 2x Kartaa lagu meel maraayee Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar Kashaada kashaada Kashaada xumaan ka saar
Queue is empty
-- / --