VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Salaxley - Lyrics

sanaagiyo salaxlaybaa la iga soo salaamay saxansaxo udgoonbaa sanka la iga saaray sogsogiyo galoolbaa ii soo sanqadhayo sahraay kaalay igu yidhi ilaa bari samaadkii sumcadiyo wanaagii siday saaka tahaybaa ii soo sanqadhayoo sahraay kaalay igu yidhi saaxiliyo sheekhbaa la iga soo salaamay saraariyo daroorbaa la iga soo salaamay sugoomaha dushoodiyo suuqa maxamed moogaa sahraay kaalay igu yidhi ilaa bari samaadkii sooliyo sanaagiyo saldhigii awaaraa ii soo siraatoo sahraay kaalay igu yidhi
Queue is empty
-- / --