VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Makri - Lyrics

cirka miigaalkiisiyo dhulka muuqaalkiisa meel kasta aduunyada isku mid weeyaane macnaha arsaaqdana mawle waa ekeyay nolosha masiirkeeda markii aan kuu dhiibay midii aan filaayiyo marwanimadaada ma waxaad u leexisay midku waa shisheeyee makriga sidiisaba inanyahay ma fiicnee mid kale hadaad heshoo meherkii ilawday adigiyo macbuudkaa midaas idiin taalaa murtiba hadaan qaadoo ma sahal abuurkeeda oo macaan ku dheehan jacayl malabkiisa su,aashu waa ma fahmi marwadaan ishaartee mudacyada jacaylkaagaa qalbiga iga mudaayo mugdi iyo dharaarba adaa ii muuqaanaayoo muxuu yahay ujeedkiyo micnahaagu inanyahay makriga sidiisaba inanyahay ma fiicnee mid kale hadaad heshoo meherkii ilawday adigiyo macbuudkaa midaas idiin taalaa
Queue is empty
-- / --