VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Madaxayga isii - Lyrics

way maseersantahoo waa maqana joogee maskax iima lehee miirka u daaya maryoolaydoo idil milinkay keentayoo way mashquulsan tahee miyirka u daaya anoo muuneeyay magac wayn u yeelay isku kay macnaysaye miyirka u daaya adaa meermeeroo meel kale aadee muran kaama rabee madaxayga isii mashaqo aduuniyo nin mushaax ku jiraa masuul iima noqdee madaxayga isii muruqiisaa maalaa tiisa meel mariyee muraad kaama lihiye madaxayga isii jacaylka mudada dheer musbaaxa u shiday mugdibay galisee miyirka u daayaa masiibada taagan ayadaa u macalinoo murugta abuurtee miyirka u daayaa anoo muuneeyay magac wayn u yeelay isku kay macnaysaye miyirka u daaya hadalka macaaniyo murtidii jacaylkana marinkaad ka lumisee madaxayga isii maaweelada beenta macna iima lehee ha isku kay maroojine madaxayga isii adaa meermeeroo meel kale aadee muran kaama rabee madaxayga isii
Queue is empty
-- / --