VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruuxii Dhab ku jeceel - Lyrics

Waxaan maanku dhaadeyn aragana ka dheeroo dhabacaaya bey i heley dhalandhoolka ciilkiyo dhibtiyo xanuunkana adigey igu dhaliyee dhibka laguma waaree dhaxal looma yeeshee waa laga dhamaadaa naftan dhiiri galiyoo ruuxii dhab kuu jecel waa lala dhadhamiyaa waxaan hadalka dhawreyn maqalkana ka dheeroo dhukinaaya bey i heley dhamacdiyo kuleelkiyo dhacanka iyo abaarahan adigey igu dhaafee dhibka laguma waaree dhaxal looma yeeshee waa laga dhamaadaa naftan dhiiri galiyoo ruuxii dhab kuu jecel waa lala dhadhamiyaa
Queue is empty
-- / --