Heesta Asmara - Lyrics
Taan haween ka xushaay
Adigaa i duree
Kaalayoo tamaqiyo
Wadnahayga dawee
Taan haween ka xushaay
Adigaa i duree
Kaalayoo tamaqiyo
Wadnahayga dawee
Adigaa dubaaqiyo
Xiskayga dagoo
Oo naftani daalani
Duugashanayee
Adigaa dubaaqiyo
Xiskayga dagoo
Oo naftani daalani
Duugashanayee
Adigaa i dagoo
Adigaa i dabree
Adigaa i dagoo
Adigaa i damqee
Kaalayoo damaqiyo
Wadnahayga dawee
Adigaa i dagoo
Adigaa i dabree
Adigaa i dagoo
Adigaa i damqee
Kaalayoo damaqiyo
Wadnahayga dawee
Adigaa dayax caashaq
Na daaraa
Adigaa daasay oo ubax
Dusha ii sudhay
Adigaa goli caashaq
U gogol yidhi
Adigaa dayax caashaq
Na daaraa
Adigaa daasay oo ubax
Dusha ii sudhay
Adigaa goli caashaq
U gogol yidhi
Adigaa dab jacayl
Maanka doojiyay
Adigaa xiska tuurey
Marna daayacay
Adigaa kasha dagey
Oo daweyn kara
Adigaa dab jacayl
Maanka doojiyay
Adigaa xiska tuurey
Marna daayacay
Adigaa kasha dagey
Oo daweyn kara
Tii aan daawadayee
Aan dul joogsadayee
I daraandar idhihii
Aragay ka dam
Tii aan daawadayee
Aan dul joogsadayee
I daraandar idhihii
Aragay ka dam
Adigaa dumar qurux
Dusha uga ritoo
Dadnimo sharaf
Daayin kuu dhaliyay
Adigaa dumar qurux
Dusha uga ritoo
Dadnimo sharaf
Daayin kuu dhaliyay
Adigaa i dagoo
Adigaa i damqee
Adigaa i dagoo
Adigaa i damqee
Kaalayoo damaqiyo
Wadnahayga dawee
Adigaa i dagoo
Adigaa i dabree
Adigaa i dagoo
Adigaa i dabree
Kaalayoo damaqiyo
Wadnahayga dawee
Adigaa dun xariiro
La daawado
Ama dahab iyo dheeman
Dusha uga eeg
Adigaa dhibic da,aya
La dayma
Adigaa dun xariiro
La daawado
Ama dahab iyo dheeman
Dusha uga eeg
Adigaa dhibic da,aya
La dayma
Adigaa dab jacayl
Maanka doojiyay
Adigaa xiska tuurey
Marna daayacay
Adigaa kasha dagey
Oo daweyn kara
Adigaa dab jacayl
Maanka doojiyay
Adigaa xiska tuurey
Marna daayacay
Adigaa kasha dagey
Oo daweyn kara