naftu inantay naadinaysaay
nal baxaayaay nuur ifaayaay
nasab dumaroo nasab dhaaftaay

nudahaygiyo naftan qaybeey
nasteexo jacayl nasaho midaan ku nagaadaay

nabsi lama galee nimcooy abidkaa
intaan noolahay nabdigaygaad
nus ka hanatoo ku dhex nooshay

noolaha miday naftu raacdaay
naxariis iyo naq baxaayaay
neecow udugloon naawilaayay

naxli tira iyo qalbi naaxshaay
neeftaan qaate aan ku noolahay nasigaygaay

Exit mobile version