Heesta Sheeko - Lyrics
ilayska sida cadceeda
amase sida dayaxiyo cirjiidha
cirkoo isu daray hilaaca
ayaad nuurkiyo cadaanka
u cawartaa dhaayahayga
adaa qurux caam ahaanba
hablaha cida hooyo jooga
casriga maanta jooga
midaan laga caajisayn
codkaaga macaana weeye
waxaad tahay sheeko curiya
i caawiya ii gargaara
cadhiyo murugba daweeya
kalgacaliyo caashaq beera
dhabeel raaliyo cajiiba
gobyahay kuma caasiyaayee
adaa cilmigiyo aqoonta
milgiyo camalsani asluubta
caqliga garashada cudoonle
cidina kula loolamayn
bulshaad calanka u sidaaye
ha ciirin waligaa ha liicin
ha mudan caarcaar aduunyo
ku waar cimrigaaga raaxo
cibaadiyo caafimaadsan