VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaaradaha - Lyrics

Qaaradaha aduunkiyo Qarankeena oo idil Qarnigan hablaha kacay Quruxday u sidataa Waxay dumarku qaayiyo Qiimiyo dhag leeyihiin Qaadirka udhameeyoo Qani weeyi inantuye Mar hadaynu qaniyeey Isu qalano dhalashada Qaadir mahadii weeyee Ii quudh naftaadoo Kaalay laabta igu qabo Qoorteeda dheer iyo Dhexda qalin La moodee Qalanjadan ku yaal baa Qalbigayga jiitee Qayd aabeheed iyo Qamar aabaheedbaa Ka ilaashay qaladoo Qormo wacan ku koriyee
Queue is empty
-- / --