VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xulashadaydaay - Lyrics

Goortaan roob ka qaadiyoo Calcalyada xarreediyo Waa caynba cayn Carfiyoo udgooneey Cimrigaygu intuu jiray Cidaan kugu masaalo Caqligaygu sheegana Carro edeg kumaan aragee Adna haa cugashadaydaay Ku caleema saaroo Cindigaad ku weyntahe Ku calool fayoow Codkaraan dahniyo Caqli iyo aqooniyo Raggaanimo ku caaniyo Curaad garasha dheeriyo Codkaraan dahniyo Caqli iyo aqooniyo Raggaanimo ku caaniyo Ugub ceeb saliimoow Kuu cabtay baan ahayoo Cishadeenu kulannaan Caashaqu igu fogaadee Annaa cugashadaydoow Waan kuu cataabee Curashada kalgacalkiyo Iga caawi jamashadaa Waxaa nolasha caabbiyaa Caashaq laba wadaagoo Cagaar iyo dhul doogliyo Ciiddooda wada dega Sidan caawa oo kale Ku wadaaga caanoo Ku caweeya nabadoo Oo ilaahay ku caabuda Adnaa cugadhadaydaay Ku caleema saaroo Cindigaad ku weyntahee Ku calool fayoobee Kuuu caloo fayoow Cirkoo da'ay aroornimo Caadkiyo dhibicdii Ay cadceedu haysaa Cabbirkoodii leedahee Ama ubax casaaniyo Midh cagaadha yeeshoo Casuuriyo ku yaal hawd Caynkiisiibaa taheee Annaa cugashadaydooow Waan kuu cataabeee Curashada kalgacalkiyo Iga caawi jamashada
Queue is empty
-- / --