ilayskii cadceediyo
ubax dayr la moodyeey
indhuhu kaama leexdaane

abaayooy macaaneey
waxaan nahay uliyo diir

uurkiyo laabtana
adigaa ku yaalo
ifka intaan ku noolahay
abaalkaagan gudayaa

inaan eed kaa galoon
islaan kale raadsadaa
macaan rayseey ha filan
amaan badan ooridaan
aduunyada ugu jeclaay

aynigaaga dumarkana
itaalkiyo edebtaad u badisaa
ana uur nugaylkiyo
abaayooy arimaha jacaylkee

inan aynigaaga ah
aduunyada kama dhalan
nin arkoo maqlaybaan
ifkaba jirin

markii aan ku eegaa
uur nugayl daraadii
inaan daad ila hayaa

Exit mobile version