Heesta Baarlamaan - Lyrics
Waxaan dhowrno Waa dawlad
loo wada dhanyahayee
Kanaa dhalasho ii xiga ha dhihina
Dhulka waa dhulkaynee
naga dhaafa qolo qolo
??
Waa dhamaaday ubadkii
Waa dhaciyay dumarkii
Waayeelkana dhibaa gaaray
Qurbahana ku dhago beelay
Oo waxaa laga dharsugayaa
Baarlamaankan loo dhaarshay
Dhulka inay badbaadshaan
Eexana ka dheeryihiin
Xilkana ay u dhiibaan
Ruux dhaqaajin kara hoosha
Dhaga nugul wax qaban kara
War hooy dhiigu yuu daadan
Shacabkayna ??
Waa kanaa albaabada taagan
Xaqiisuu dhacsanaayaa
Hadii aydu dhagartaan
Walaaho usoo dhaci
Dhismahaad ku suguntihiin
Ceejana dhuuntada idin qaban