Heesta Baarlamanka loo dhaarshey - Lyrics
waxaan dhawrayno waa dawlad
loo wada dhanyahaye
kanaa dhalasho ii xiga
ha i dhihinina
dhulku waa dhulkeenii
naga dhaafa qololo
dhadhankeedu waa dacare
waa dhamaaday ubadkii
waa dhiciyay dumarkii
waayeelkiina dhibaa gaadhay
qurbahana ku dhago beelay
oo waa laga dhursugayaa
barlamaankan loo dhaarshay
dhulka inay badbaadshaan
eexana ka dheeryihiin
xilkana ay u dhiibaan
ruux dhaqaajin kara hawsha
dhago nagul wax qaban kara
waar hoooy dhiigu yuu daadan
shacabkeenan dhiidhiyay
waakanoo dhabada taagan
xaqiisu dhacsanayaa
hadii aydun dhagartaan
walaahoo soo dhici
dhismahaad ku sugantihiin
xujana dhunta idin qaban