Heesta Dhalinyaro - Lyrics
dhalinyarada maanta
dhoohaney war mooge
wixii dhacay ma ogidee
idinkuna dhac iyo boob
ayaa dhaxan la joogta
dhulkiinoo la qaybsadaye
odayadan dhama'san
damiil dhiig uga duxay
miyaan dhowrnaynaa
calankaa u dhimateeno
dhudhunka aad ku keenten
cadowgii uu dhulsanay
dhaxalkiina sheegaysen
maxaa dhacay maxaa
baalada la dhimaya
dhashoodi meedaye
way dhoofsadeen
wax kastoo dhulku lahaa
way dhoofsadeen
oo maxay is dhahayaan
way noo gashee
oo ay dhursaugayaan
dhalinyarow u dhimashada
aya dhaqan san moden
somalaay dhimashada
dhaqan san mooden
somaliyee dhamaanten
war dhulkeeni hooyiyo
ciidi waa dhawaaqde
waxay tiri dhibaatda
maad igu dhawranaysan
dhalinteene talin lahayd
miyayda is dhamaysen
dhaxalkeeni maanta
cadaawaha dhitaystaye
inakuna dhamaanten
dhedig iyo laboodo
dhulkeenu aynu leenahay
dhab aynu u difaacane
dhalinyaraay is dhirsada
somaliyeey dhamanteen
wadan wuxuu dhisnaada
calan dhidibka aasnada
marka dhuuni qaatiyo
cadow la iska dhiciyo