Heesta Hooyo - Lyrics
inraada madaxa qalayiyo
ruqda fooshu leedahay
hooyo maamo
adaa holaca karinayee
habeenkii miridu kicinto
hordada iyo jaqsiinta
hooyo maamo miyan hilmaama
halka aad ka maqantahay
waalaga hayaama
hoyga aad ku nooshahay
waa lagu hirtaaye
hooyo gacalo
hooyo miyaan hilmaama
halbowlaha wadnaha iyo
hagayaasha dhiiga hooyo
gacalo hubaashii iga taala
halista igala dirirtaa
akteeda igu barbarshaay
hooyo gacalo
hooyo miyan hilmaama
halka aad ka maqantahay
waalaga hayaama
hoyga aad ku nooshahay
waa lagu hirtaaye
hooyo gacalo
hooyo miyaan hilmaama
haynigaa ma daala
nabada irmaane
hooyo gacalo
rabi hodan ha kaa dhigo
hanbeenkina dhalashada
hanbalyaanu leenahay
hooyo gacalo hanbalyanu lenahay
halka aad ka maqantahay
waalaga hayaama
hoyga aad ku nooshahay
waa lagu hirtaaye
hooyo gacalo
hooyo miyaan hilmaama