Heesta Nimco - Lyrics
nabarka colaada nabada dhayaysoo
naruuriyo roobka sahanku nageeyaa
nasteexo kalgacaylka jacayl ka noqdee
nimcooy godol qaad nasriga calafkuna
gacalooy qalbigaygu kuu nugalaa
gacalooy qalbigiisu kuu nugulaa
noocba ubuxiyo miskiga naqdigaa
nashaadka aduunka waa mid noqdee
ku naawilayee nafta ma isu sidignaa
naqa iyo dooga hareedu nabtuu
nabaadkiyo rayska nuurkii ka dhashaa
naxariista dareenka nadtayda gashaay
niyadu ku tabtoo ku naaday xiskuye