VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhambaal jacayl - Lyrics

Jacayl makugu dhacay Yaraan ma u dareentay Dhakhso intu ku hurjumay Dhoolla caddeyn farxaded Makusoo dhawaysaayoo Ma dhiiri galisay naf Dhiiggaaga ma uhurtoo Dhuuxaagana ma ushubtay Dhabannada ku dhaashoo madhahday weligaa Dhaawaciisa adoo qaba Dheemmanka adduunkiyo Waqtigaaga oo dhan adoo ku dhameeyay Dharbaaxo makugu dhaariyay Jacayl maku dheelmiyay Dharbaa makugu daayay Intuu dhakafaar kubaday Miyaad dharaar ilmaysay Mala dhaygagtaayoo Miyaad dhafartaa allaylkii Dhambaal aad udirtaa Ruuxaanan kuu dhawayn Maka doortay weligaa Dhaawaciisa adoo qaba Dheemanka adduunkiyo Waqtigaaga oo dhan adoo udhameeyay Dharbaaxo makugu dhaariyay
Queue is empty
-- / --