Heesta Hees ay u qaadeen xidigaha geeska - Lyrics
fanaaniin caana ahoo
fikirka ka midaysanoo
fadiyo ubax baad tihin
fahankii bulshdaa tihiin
fil aan ku faanaa oo
filkeenii hore lahaa
fiidyoo dhaxal baa tihiin
facood dad dhaafayooo
fagaaraha markay tagaan
fikirkii abwaanadiyo
suugaan fidin baa tihin
anoon idin faaninayn
inaad isku filan tihiin
fooskiina muujiyee
ku faana dalkiina oo
allow ha idinkala fogayn
fankenu wuxuu ahaa
walaalo isku faraxsanoo
waaniyo dhaqankaba ku fara
furihii iyo tuu hantidee
layska faaladiina tabi
aduunkaba fool ka fool
fankiinaa lagu ladaa
falaadhihi cadceeda iyo
iftiinkii fidisiyo
dunida ku faafisiyo
farshaxan muusig baa tihiin
anoon idin faaninayn
inaad isku filan tihin
fooskiina muujiyee
ku faana dalkiina oo
allow ha idinkala fogayn