VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Waan ku dooranee Lyrics

kudooranoo waan ku dooranee
xilkii kuu dooranee
dalkiyo dadkiyo diintaba
nagu daadahee
dagaal lagu riiqmiyo
waxbadanbaan diif qabnee
diwaanka ha noo galee
halyeey lagu diirsadoo
aloo diric aqoonloo
dadaaal badanle nooga yeel
ku dooronoo waan ku dooranee
xilkii kuu dooranee
dalkiyo dadkiyo diintaba adigaa u daacada
cadaal nagu daadahee

calankii darajada badnaa
xidiga daalacan lahaa
markale dayixu hawada
dushooda hakawalac dhahee
allow dawlad calanliyo
dastuur adagle noogayeel
ku dooronoo waan ku dooranee
xilkii kuu dooranee
dalkiyo dadkiyo diintaba adigaa u daacada
cadaal nagu daadahee

danbigii faraha badnaa
xaqii dildilaacyoo
haduu soo daaray hiree
allow dakharadii badnaa
dawiyo khayr nasteexiyo
iyo kuulo nooga yeel
ku dooronoo waan ku dooranee
xilkii kuu dooranee
dalkiyo dadkiyo diintaba adigaa u daacada
cadaal nagu daadahee

nabada kuwa diidayee
dabkiyo qaraxuun watee
samaantuna aanay deeqi karin
ee aan noo diirnaxay
allow doni maynee
dulmigooda naga hay
ku dooronoo waan ku dooranee
xilkii kuu dooranee
dalkiyo dadkiyo diintaba adigaa u daacada
cadaal nagu daadahee

loading..
-- / --