VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gabyaayee - Lyrics

Gabyaaye gabyaayee
googaa dadow
garaaad baan la hadlayaa
la hadlayaa garaad baan lahadlayaa
garaad baan la hadlayaa

Gadeenaa soo galey
geeduhuu naf uleeyihiin
haddana waxa gaadhaye
intaa laga goynayaa
gar iyo dow kuma ahoo
godobi meel yeelatee
gafuur lahadlaan ku ool

Gudbaye waxan uga socdaa
gabadh waataan ahaa
gayaankay way ijacalaa
markuu guur ii eekaa
wataad igalaafateen
gacalo hooyoy gacalo
gacalo laba goor dhintee
godkiyo iilka igu rida

Goohayoo gohaayee
gabal dhacay dadow
gadaal ma usoo noqdaa

intay goori goor tahay alla fulow
guuli kuu dhawdahay.
Haddii tallo kula gudboon
aqoon gaabnibaa gabtoo
wanaagii kaa galbadoo
goraya haad noqotayo
gobiyo xaalkeed iswaa

Gudbayee waxan uga socdaa
geerida waa loo dhashaa
gunnimo waa laga dhintaa
gaf waakii laga dhintee
goobtaa idinkaa idhigay
gacalo hooyooy gacalo
gacalo laba goor dhintee
godiyo iilkaygu ridaa
godiyo iilkaygu ridaa

Queue is empty
-- / --