Heesta Jaceyl - Lyrics
waxa idaashaday jacayl
dunbaa wiil iigu xidhan
dadkoo wada seexdaybaan
anigu dibada meerayaa
inaan dibin daabyo qabo
dushayday ka muuqataa
dareenkiisaan ogoo
isaga ima diidanee
sidayduu dubaaxiyaa
allow anigu dadaalayee
adiguna ideeqsii
waxaan ahay duurgaleen
dhulkoo baraf daataybaan
dabayluhu foodhyayaan
anigu dalanbaabiyaa
inaan dacartiisa dhamay
dubkaygay ka muuqataa
dareenkiisaan ogoo
isagu ima diidanee
kalgacalbuu daadahshaa
allow anigu dadaalaye
adiguna ideeqsii