VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidaa igu lamaan tahay - Lyrics

sida laamalooshaha ama laan madheedho lug biyo le ku taaloo intuu hooray lulay leegleeganayso hoobaan la liicdaad quruxdeedii leedahay ana la iigu kaa ladhay waxbaan is leeyahay markaan ladaan ku eegaba ma liqdaa ma lagadaa misee luquntaabad sudhataa sidaad igu lamaantahaye ama iigu ligantahayee labada naas dhexdoodiyo laga kugu nanabayee aynu leg samaynee waynu laacdamaynaa anoon laamadoodin libdhadu soo baxdaaye markay laydhaadu i qabataba anigu adiga waxaan isleeyahay ma laashaa ma looshaar mise laqanyadaad la jiiftaa
Queue is empty
-- / --