xurmo waxay dhex taalaa
dhedig iyo labkeenoo
isu dhiibay ubaxee
nafta dhaayaheediyo
dhiigiyo kalgacalkii
noloshayda oo dhan
dhabtii adiga weeyaan

lab dhawr horaadoo
mid hadii dhan laga furo
isu dheeliyaan nahay
nafta dhaayaheediyo
dhuuxiyo kalgacalkii
noloshayda oo dhan
dhabtii adiga weeyaan

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version