Heesta Amran - Lyrics
amaan badan ooridaydaay
ifkaan kuugu jeceloo
aadmiga dhamaantii
adaan kaa ishaartee
aayatiinka nololeed
istareex ku noolow
aakhirana halkii ay
anbiyadu ku waareen
EEBE ha ku geeyee
amraneey dhe aamiin
aamiin aamiin
aniguna xagaygaan
ALLOW ka aqbal leeyahay
aamiin aamiin
ALIHII ku uumaa
ii kaa ilaashoo
edebtiyo xishookaad
asaagaa wax dheertahay
ayniga mid kula mida
aduunyada ma joogtee