Heesta Daacad - Lyrics
dumar taan ka doortiyo
durdur caashaqeen gu'in
taan ku diirsanaayoo
dawadaydii waan helay
DAA' IMKAA isiiyoo
igu deeqay anigoo
dadka lama simaayee
daacadana ILAAHBAA
dariiqa u hagaajee
dugsi iyo dugaaliyo
noqo midaan ku daal baxo
noqo midaan ku diirsado
daganaanta socodkiyo
dabacsanida hadalkiyo
dabecada dhamaystiran
ma duul lala dhigaa jira
daruurahoo da'aayiyo
doogii baxaayiyo
duunyadu ku darartaay