Heesta Hodan - Lyrics
hodaneey naftaydii
adigay han raacdoo
haybisaayee ma ogtahay
hurdadiina diidoo
habeenkiina kama lado
hamigaaga awgii
hubiyoo u jeedada
hanqal taaga meel kale
laba iyo hal kala daa
hawlahaan kala saar
anoo kii dhab kuu jece
hodaneey habeen hore
heshiiskii dhexdeeniyo
hadaladii macaanaa
ha hilmaamin waligaa
ana heeganbaan ahay
waanan kuu han waynahay